U bood dhigaalka

Akhriso: 10-Caqabad Oo Farmaajo Ka Hortaagan In Uu Noqdo Madaxweynahii Loo Baahnaa

Sheeko:Dalka

Lix iyo Toban(16)-kii sano ee la soo dhaafay waxaa madaxtooyada(Villa Somalia) soo maray madaxweynayaal badan, marka laga reebo Protocol  iyo magac u baxay, ma jirin madaxweyne ku guuleystay soo celinta dowladnimada Soomaaliya, ma jirin madaxweyne ka shaqeysiiyay dhammaan hey’adaha dowladda, arrintaasi in laga gudbo waxaa loo baahan yahay madaxweyne leh aragti iyo awood sare iyo xukuumad ka daran!!

Marka laga soo tago farxadda iyo soo dhaweynta madaxweynaha cusub Farmaajo loo sameeyay, waxaa jiro caqabado uu kala kulmi doono dadka loo yaqaano “deep state” kooxdan waa lug gooyo aabaheed, waa koox  qeyb ka ah ciidanka, hey’adaha dowladda, shaqaalaha rayidka ah, shirkadaha ganacsiga, bahda waxbarashada, beelaha hubeysan, maamul goboleedyada iyo meelo badan oo dalka ah, illaa Farmaajo uu kooxdaas ka adkaado mas’uuliyaddiisa iyo xilkiisa waa qabyo.

Madaxweynayaashii Farmaajo ka horreeyay waxaa ay ka adkaan waayeen sugidda ammaanka iyo soo celinta kaabayaasha dhaqaale ee caasimadda Muqdisho iskaba daa gobollada kalee, Farmaajo waxaa hor-yaalla imtixaan adag, haddii uu soo celiyo nabadda, xasilloonida, hor u marka iyo xiriirka caalamiga ah isla markaana uu sameeyo hub ka dhigis beelaha ah, xoojiyo danta guud, gacanta ku dhigo manhajka iyo waxbarashada iyo in uu ka adkaado musuqa iyo qabyaaladda waa qaabka kaliya ee uu ku noqon karo madaxweyne rasmi ah.

Hadaba Halkan Ka Akhriso, 10-ka Caqabad Ee Hor-yaalla Madaxweyne Farmaajo:

Nabad-galyada: Nabad in la helo waa imtixaan hor yaalla Farmaajo, Muqdisho sanadkii ugu dambeeyay bishiiba waxaa ka dhacayay illaa labo qarax oo loo geysanayo Hoteellada, waxaa intaa dheer in qof waliba uu xoog aaminsan yahay, isagoo isku ah  garsoore, Maxkamad iyo fulinta, Ciidamada Booliis iyo Militari midna ma dhisna, iskaba daa maxkamado, madaxweyne Farmaajo imtixaankiisa koowaad waa nabad-galyada caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Xasillooni: in xasillooni siyaasadeed iyo mid amni la helo, waxaa ay ku xiran tahay hab dhaqan-ka madaxweynaha, dalka waxaa uu u baahan yahay madaxweyne adag laakin naxariis badan, madaxweyne go’aan leh bale og maslaxadda dalka, madaxweyne ka shaqeeya dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida, wax waliba ka hor mariya rabitaanka iyo maslaxadda umadda Soomaaliyeed.

Kaabayaasha Dhaqaale:  Dowladnimada waxaa qeyb muhiim u ah soo celinta kaabayaasha dhaqaale, in la helo jidad isticmaalka ku wanaagsan oo dalka oo dhan ah, biyo nadiif ah iyo koronto ay dowladda leedahay, isgaarsiin jaban, waxbarasho lacag la’aan ah, goobo caafimaad, dawo iyo dhakhaatiir tayo leh, haddii Farmaajo uu intaasi wax ka qabto, waa madaxweynihii loo baahnaa!

Xiriirka Caalamiga Ah: Shacabka iyo dowlado badan waxaa ay ka shaki qabaan in xasarado abuuro maamulka cusub, Farmaajo waxaa hor-yaalla in uu xiriir wanaagsan la yeesho dalalka dariska ah iyo beesha caalamka iyo in uu ilaaliyo maslaxadda iyo qarannimada Soomaaliya, haddii arrinkaas uu ku guuleysto, iskuna dheelli-tiro,  waa madaxweynihii loo baahnaa!!

Beelaha Hubeysan:  Caqabada ugu badan ee dowladihii madaxweyne Farmaajo ka horreeyay shaqo la’aanta ku riday waa hubka ay sitaan beelaha Soomaaliyeed, xataa ciidamada iyo hubka dowladda federaalka ay sheegato waxaa iska leh beelo gaar ah, in Soomaaliya laga qaado cunaqateynta hubka, in uu hub ka dhigis uu ku sammeeyo beelaha Soomaaliyeed iyo dhismaha ciidan qaran waa caqabad kale oo hor-taalla madaxweyne Farmaajo.

Ganacsatada: Dalka ganacsigiisa, sicirka, raashiin iyo isgaarsiin iyo wax walba oo nolosha u baahato waxaa ay gacanta ugu jiraan ganacsato gaar ah, xoojinta waxa loo yaqaano public sector ama soo celinta hey’adaha danta guud waa caqabad Farmaajo sugeysa!

Waxbarashada: Dalka waxbarashadiisa, Manhaj iyo Macalin waxaa ay gacanta ugu jiraan hey’ado gaar ah, ma aha in la baa’binayo laakiin kaalintii dowladda ayaa meesha ka maqan, ma jirto dowlad ogolaaneysa in dalkeeda lagu dhigo manhaj dalal kale leeyihiin, arrinkaas waa mid ka mid ah imtixaannada ugu weyn ee madaxweyne Farmaajo, dowladihii ka horreeyana ay ku guul-darreysteen.

Maamul Goboleedyada: Madaxda maamul goboleedyada kama xishoodaan madaxweynaha federaalka ah, waxaa ay ku wada jiraan madasha hoggaanka qaranka, xantooda waa mid suuqa taallo, raggan waxaa ay heshiis la galaan dalkii ay rabaan, qeylo waxaa ugu dambeysay Berbera, Farmaajo si uu madaxweyne rasmi ah u noqdo waa in uu yareeyo kaalinta iyo awoodda maamul goboleedyada, oo kooxdan ay ku ekaadaan u adeegidda shacabka ay maamulaan.

Musuqa Iyo Qabyaaladda: Farmaajo waxaa uu sheegay in uu la dagaali doono Musuqa iyo Qabyaaladda, waa in uu naftiisa ka bilaabaa, waa in xafiiskiisa ay dadka u sinnaadaan, shaqada sidoo kale, lix-da bil ee ugu horreysa waxaa lagu ogaan doonaa sida uu Farmaajo ula dagaalo qabyaaladda iyo musuqa.

Xukuumadiisa: Madaxweynayaashii Farmaajo ka horrreeyay waxaa lug gooyay raggii uu xukuumadda u dhiibteen, si aad u ogaato siyaasadda madaxweynaha waxaad wici kartaa wasiir ka tirsan xukuumadiisa, waxaa uu kuu sheegayaa sir kasta oo ku saabsan xafiiska madaxweynaha iyo qorshaha uu rabo, arrinkaas waa mid khatar ku ah dowladnimada, Farmaajo waxaa imtixaan ku noqon doona ragga uu soo xulan doonno.

Ugu dambeyntii, Ma dhahaayo “Farmaajo ii geeya, Laakin waxaan leeyahay Farmaajo hala tuso qoraalkan, waayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi farmaajo waxaa sugaya Toban(10)-kaas caqabad, haddii uu ku guuleysto waxaan dooran doonaa inshaa-alaah doorashada 2020-ka, haddii uu ka gaabiyana Macasalaamo, qormadanna waa marqaati.

W/Q: Cabdi Casis Axmed Gurbiye,

Email: [email protected]