U bood dhigaalka

10-ka Shirkadood ee Dunida Ugu Hal-abuurka Badan Dhinaca Aqoonta 2017

Sheeko:War

10 shirkadood ee dunida ugu hal-abuurka badan dhinaca waxbarashada ayaa waxaa ka soo dhex muuqday, kaalinta Kowaadna kaga jirta shirkadda caanka ee dhanka teknoloojiyadda ee Microsoft.

Wargeyska la yiraahdo FastCompany ee qiimeeya shirkadaha dunida ayaa soo bandhigay 10 shirkadood ee ugu hal-abuurka badan dunida dhinaca waxbarashada sanadkan 2017, waxaana shirkadaha uu u kala hormariyay sidan:

  1. Shirkadda Microsoft, waxay ku gashay kaalintan kaalinta Koowaad, ka qeybqaadashadeeda horumarinta waxbarasho ee fasallada kala duwan ee dugsiyada oo ay u sameysa barnaamijyo gaar ah.
  2. Shirkadda Duolingo, dadka adeegsadaa shirkadda barnaamijyadeeda waxay ka qeybqaadan karaan isweydaarsi aqooneed oo ay la yeelanayaan saaxiibadood, xilliga waxbarasho iyadoo ay u sameysay baarnaamij gaar ah oo xiriirka u fududeeya.
  3. Mac’hadka “Georgia Institute of Tecnology”, waxa uu kaalintan ku helay barnaamijyadiisa waxbarashada heerka sare ee culuumta Computer-ka, waxaan lagu tiriyaa barnaamijkiisa kan ugu weyn dalka Mareykanka, iyadoo qeyb ka mid ah kharashaadka barnaamijka lagu soo dallaco ardayda mac’hadka.
  4. Shirkadda iCivics, waxay soo saartaa shirkaddani Game elektarooniga ah ee ay caruurtu ku ciyaarto oo lagu baro xaquuqdooda, mas’uuliyaadka saaran muwaadin ahaan u dhashay dalka Mareykanka, iyadoo barnaamijkaasi noqday mid aad loola dhacay.
  5. Shirkadda AdmitHub oo sii daysa barnaamij teknolojiyad ah oo lagula sheekaysanyo maskac macmal ah oo garaadka lagu kobciyo, ama barnaamijka kale ee  Chatbot oo ah barnaamij lagu hagaajiyo tallaabooyinka ku biirista iyo iska diiwaangelinta iyo kala barashada jaamacadaha.
  6. Shirkadda Newsela oo caruurta garab ka siisa iney fahmaan wararka iyo iney kor u qaaddo garaadkooda wax akhrinta ee gaarka ah.
  7. Shirkadda Pluralsight oo soo saartay barnaamijyo ku aaddan in aqoonta la soo bandhigyaaa u baahan tahay isku xirnaasho xiriir la leh suuqa shaqo, oo qofku waxa uu baranayo halkeebuu xiriir kala leeyahay suuqa shaqada.
  8. Shirkadda Osmo oo soo saartay Game waxbarasho oo aad u heersarreeyay, kaas oo kulminaya Dunida daahsoon iyo cilmiga Physics-ka.
  9. Shirkadda Panopto oo si gaarka xoogga u saarta muxaadarooyinka cilmiga ah, si ay iga qeybqaataan ardayda iyo mucallimiinta.
  10. Shirkadda 2U oo hirgelisay barnaamijyo waxbarasho oo lacag ah aadna u heersarreeya kuwaas oo  lagu baranayo qaab elektroonig ah.

Si kastaba, shirkadaha oo u badan kuwo dalka Mareykanka ka howlgala ayaa lagu qiimeeyay hal-abuurkooda dhinaca waxbarasho ee ay ku tillaabsadeen iyo barnaamijyadooda cusub ee ay ka sameeyeen dhinaca horumarinta waxbarashada.

Goobjoog News