U bood dhigaalka

10 Musharrax oo u Tartameysa Xilka Guddoomiye ku xigeenka 2-aad oo Hadaljeedin ka Sameysay Golaha Shacabka

Sheeko:War

10 musharrax oo ka mid ah 12 musharrax oo u taagnaa xilka guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka ayaa maanta hadaljeedin ka sameeyay xubnaha Golaha Shacabka hortooda.

Kalfadhigga maanta oo ahaa kalfadhigga 1-aad kulankiisii 6-aad ayaa waxaa soo xaadiray … xildhibaan, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha iyadoo ajandaha ugu weyn ee goluhu uu ahaa hadal jeedinta xubnaha u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka.

Hadaba waxaa hadal jeedintii sameeyay 10 musharrixiinta xilka guddoomiye ku xigeenka u taagan golaha shacabka oo kala ah;

  1. Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi.
  2. Mahad Cabdalla Cawad.
  3. Burhaan Aden Cumar.
  4. Cabdullahi Xuseen Cali.
  5. Cabdiweli Maxamed Qanyare.
  6. Dr,Xuseen Cabdi Cilmi.
  7. Cabdullaahi Godax Barre.
  8. Ilmi Maxamed Nuur,
  9. Cabdiraxmaan Ibarhim Aden Ibbi
  10. Maryan Axmed Harun.

2 xildhibaan ee kala ah Cabdullaahi Cusmaan Sugulle iyo Jamaal Xasan Ismaaciil ayaan iyagu hadaljeedin sameyn iyadoo aan la garaneyn iney tanaasuleen iyo in ay jiraan arrimo kale oo u diidday iney baarlmaanka horyimaaddaan.

Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa la filayaa iney maalin nasasho ah siiyaan xubnaha tartamayaasha Guddoonka Baaralmaanka iyadoo kadibna si toos ah loo gudo geli doono 11-ka  bisha doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Goobjoog News