U bood dhigaalka

10 Qof ee Dunida Ugu Awoodda Badan Dhinaca Teknoloojiyadda

Hay’adda cilmibaarista ee Gartner ayaa aaminsan in isku darka kharashaadka dunida ee dhanka teknoloojiyadda uu gaari doono 3.5 tirilyan oo dollar inta lagu guda jiro sanadkan 2017, iyadoo heerkii hore ee sanadkii 2016 ay ka sarreyso 1.4%, taas oo ka dhigan in shirkadaha ay ku bixin doonaan lacago aad u farabadan dhinaca horumarinta teknoloojiyadda.

Hadaba, halkan waxaan idinku soo gudbineynaa 10 qof ee dhanka teknoloojiyadda ugu horreeya dunida sanadkan 2017, wanaa sida uu daabacay Business Insider.

1 – Andrew Jassy, CEO, Amazon Web Services

Waa madaxweynaha Web Sarvices-ka ay bixiso shirkadda Amazon sidaa darteed waxa uu maamulaa mid ka mid ah shirkadaha ugu sarreeya dhanka teknoloojiyadda. Intii la dallacsiiyay ee shaqadan uu ganacta ku dhigay sanadkii 2016 waxaa sare u kacay faa’idadii shirkadda 43%.

2 – Satya Nadella, CEO, Microsoft

Shirkadda Microsoft xilliga maamulaha Satya waxay noqotay shirkadda ugu weyn ee suuqa kula tartameysa adeegga Amazon waxayna noqotay shirkadda 2aad ee dhanka teknoloojiyadda.

3 – Marc Benioff, CEO, Salesforce

Waa madaxweynaha shirkadda waana shirkad ka shaqeysa adeegyada computer-da, sanadkii 2010 waxa lagu soo daray 50 qof ee ugu caqliga badan dhanka teknoloojiyadda ee ay daacaday majaladda Magazine “Fortune.

4  –  Larry Ellison, CTO & Chairman, Oracle

Waa aasaasaha iyo maamulaha shirkadda Oracle oo ah mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dhanka sameynta barnaamijyada computer-ka. Waxa uu ku jiraa 10 qof ee dunida ugu taajirsan iyadoo hantidiisu ay gaareyso illaa 62 bilyan oo dollar.

5 – Diane Greene, SVP of Google Cloud, Google

Diane Greene waxay ahayd halyay dhanka dunida Teknoloojiyadda ah, waxay aasaastay shirkadda VMware oo sameysa barnaamijyada dhanka computer-ka, inta aaney u wareegin dhanka Google oo halkaa ay dadaalkeeda kasii labo jibaartay. Waxay shirkaddeeda ka garabsiisaa sidii ay ula tartami lahaayeen shirkadda Amazon.

6 – Bill Gates, Founder & Technology advisor, Microsoft

Bill Gates hadda maamulo shirkadda Microsoft laakiin wali waxa uu ka yahay la taliye dhanka teknoloojiyadda ah, dadku aad ayay u yaqaanaan waa ninka ugu taajirsan dunida, hantidiisu hadda waxay gaareysaa 90 bilayan oo dollar.

7 – Chuck Robbins, CEO, Cisco

Maamulaha shirkadda Cisco waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka ugu horreeya dunida ee dhinaca qalabka alaabaha shabakadaha Internet-ka. Kadib markii ay shirkaddiisu hoos u dhac uu ku yimid hadda waxa uu sheegay iney soo saareen qalab casri ah oo ficilka qofka odorosaya amniga internet-kan si fiican u ilaalinaya oo ay u suurtogaleyso inuu horumar sameeyo wax cusubna uu barto, dabcan waxa uu ka hadlayaa waa robot.

8 – Bill McDermott, CEO, SAP

Waa maamulaha shirkadda SAP oo ah shirkadda ugu waaweyn ee dhanka barnaamijyada Yurub, waana shirkadda 4aad ee dunida. Waana shakhsigii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee shirkad baaxaddaa leh oo Jarmal ah maamula.

9 – Werner Vogels, CTO, Amazon

Waa maamulaha teknoloojiyadda ee shirkadda Amazon, shirkadda waxa uu soo geliyay faa’idooyin lagu qiyaasayo 14 bilyan oo dollar kadib markii uu sameeyay tallaabooyin cusub oo kharash aad u kooban uu ku baxay.

 

10 – Urs Holzle, SVP of Technical Infrastructure for Google Cloud

Waa shaqaalihii 8aad ee ka howlgala shirkadda Google. Waa shakhsi aad u caqli badan waxaa uu aasaaska u dhigay dhismayaal farabadan oo muhiim u ah shirkadda Google ee dhammaan dunida daafaheeda.