U bood dhigaalka

10 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Gobolka Sool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya Labo beel uu ka dhacay deegaanka Gumburka Cagaarre oo hoostaga magaaladaasi, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Inta la xaqiijiyey 10 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootey, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Cabdi Kheyre oo ah guddoomiyaha gobolka Sool ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalkan uu u dhaxeeyo beello kasoo kala jeeda Puntland iyo Somaliland.

Waxa uu tilmaamay in dagaalka weli aanu joogsan, islamarkaana laga yaabo khasaaraha inuu intaasi kasii bato.

Dagaalkan ayaa salka ku haya sida la sheegay arrimo la xiriira dhul, xoolo iyo sidoo kale aanooyin horey usoo jiray.

Waxgaradka ku dhaqan degmada Laascaanood ayaa wada dedaal badan oo lagu doonayo in lagu xalinayo dagaalladan.

Deegaanka lagu dagaallamo ayaa sidoo kale ku dhow Ismaamulka Soomaali Galbeed, iyadoo rasaastana tahay mid socota.

Goobjoog News