U bood dhigaalka

10 Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyoortey Deegaanka Gadoon Ee Galgaduud

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in 10 ruux ay cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootey deegaankaasi, iyadoo ay cudurkaasi la il daran yihiin dad gaaraya 300.

Guddoomiyaha Gadoown, Cabdi Axmed Yuusuf oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in xaaladda ay tahay mid ka dartay kadib markii cudurka shuban biyoodka uu soo ritey dad hor leh.

Wuxuu sheegay in markii hore ay filayeen in saameynta cudurka ay yaraato, hase ahaatee uu sii labo kacleeyay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga waxaan is lahayn dadku wey reysan doonaan, cudurkana dadka kale masii saameyn doono, laakiinse 10 ruux ayaa Todobaadyadii ugu dameysay dhimatay, waxaana sidoo kale ccudurka hadda la il daran 300 ruux” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in dawo aaney ka jirin deegaankaasi, isaga oo ku baaqay in gurmad caafimaad halkaasi loo fidiyo.

Cudurka shuban biyoodka ayaa si xooggan uga dilaacay deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka, waxayna dadku u baahan yihiin gurmad caafimaad.

Goobjoog News