U bood dhigaalka

10 Sano Kadib, Dulimaad Toos Ah Muqdisho Iyo Nairobi Oo Bilowday

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah waxaa si rasmi ah u bilowday duulimaadka tooska ah ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kadib muddo 10 sano ah oo diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ay marayeen Wajeer, Kenya.

Diyaaraddii ugu horreysay oo sida shacab gaaraya 48 ruux oo Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira ayaa maanta ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo goor dhow gaaray garoonka Aadan Cadde ayaa saxaafadda u sheegay in tani ay tahay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu ra’iisul wasaaraha sheegay in laga dhabeeyay heshiiskii 23-kii bishan magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaasi oo ku saabsanaa in Labo Todobaad gudahood dib loo soo celiyo duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre oo hadalkiisa sii watey ayaa laamaha amniga ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa uu uga digey iney sameeyaan wax walbo oo qalqal gelin kara heshiiskii dowladda Soomaaliya ay la gaartay midka Kenya.

Diyaaradaha sida madaxda ayaa markii hore si toos ah u tagi jiray magaalada Nairobi, balse hadda waxaa lagu daray diyaaradaha shacabka oo muddo ku dhibanaa baaritaannada dheeraadka ah ee magaalada Wajeer.

Goobjoog News