U bood dhigaalka

11 Milyan oo Qof oo Laga Soo Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Sheeko:Dalka

11 milyan oo muhaajir ah ayaa laga soo musaafurinayaa dalka Mareykanka, howlgallo noqonaya kuwii ugu ballaarnaa ee abid dowladaasi sameyso.

Wasaaradda amniga gudaha Mareykanka ayaa Talaadadii soo saartay labo wareegto oo ku waajahan dadka sharcidarrada ku jooga dalka Mareykank, iyadoo la tarxiilayo  11 Milyan oo qof  ah oo sharcidarro jooga gudaha  Mareykanka qaab dhuumasho ahna ku galay.

wareegtadan oo ka soo baxay xafiiska wasiirka amniga gudaha John Kelly ayaa ah amarro ku socda waaxda canshuuraha iyo muhaajiriinta oo lagu amrayo iney dalka Mareykanka ka tarxiilaan dhamaan dadka muhaajiriinta ah ee ay qabtaan inta ay ku gudo jiraan waajibaadkooda, waliba si degdeg ahna dalalkaas ay kaga musaafuriyaan.

Waxaa si gaar ah loo ugaarsanayaa 7 qeybood oo ay ugu horreeyaan dadka dambiyada gala ama ku eedaysan iney dambiyo galeen, iyadoo dadka shaqaalaha ah ee uu la shaqeeyo muhaajirka xoriyad loo siinayo iney kala sheegaan shakhsigu inuu naftooda khatar ku yahay iyo in kale, waa qofka aan haysan warqadaha rasmiga ah ee dalkaas ku joogga.

Waxaa la shaqaaleysiinayaa 5 kun oo ka mid noqonaya waaxdan canshuuraha iyo 10 kun oo ah booliska la dagaalama muhaajiriinta ah, si loo xoojiyo ol’olaha musaafurinta muhaajiriinta aan sharciga lahayn.

Madaxweyne Trump ayaa horey Twetter-kiisa ugu soo qoray, “Xakameynta muhaajiriinta dambiilayaasha ah ee aan sharciga lahayn, waa hirgelinta ballamahaygii aan qaaday xilligii ol’olaha doorasho, waxaa la eryi doonaa kooxaha dambiilayaasha ah iyo kuwo kale ee darooga ka ganacsada”.

Dalka Mareykanka ayaa xilliyadii dambe waxaa ka bilowday, howlgallo lagu beegsanayo dadka aan haysan warqadaha sharciga dalkaas, iyadoo howlagallo ay sameeysay wakaalladda heer federaal ee u gaarka ah iney dadka dib ugu celiyaan xuduudda ay ka sameeyeen magaalooyinka Los Angeles, New York, Chicago, Austin, Texas, kuwaas oo Lagu soo qabqabtay dad muhaajiriin ah.

Goobjoog News