U bood dhigaalka

15 Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Ciraaq

Sheeko:Dalka

Qarax ka dhacay waddanka Ciraaq ayaa waxaa ku dhimatay 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen 33 kale, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ciraaq.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay xaafad ku taallo galbeedka caasimadda waddanka Ciraaq, taasi oo inta badan ahayd mid aad u mashquul badan.

Mas’uuliyadda qaraxaan ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish, kuwaas oo inta badan qaraxyo iyo weeraro toos ah la beegsado xarumaha dowladda.

Dowladda Ciraaq ayaa waxay isku diyaarinaysaa hawlgal millatari oo ay uga saarayaan Daacish magaalada Mowsil, taasi oo ah magaalada labaad ee ugu wayn waddanka Ciraaq, taasi oo ay Daacish ay qabsadeen bartamihii sanadkii 2014kii.

Goobjoog News