U bood dhigaalka

2 Xubnood oo Ka Mid Noqonaya Aqalka Hoose ee BFS oo Muqdisho Lagu Doortay

Sheeko:Dalka

Doorasho maanta ka dhacday xarunta guddiga doorashooyinka dadban ee Muqdisho ayaa waxaa ku soo baxay 2 ruux oo ka mid noqonaya Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.

Biibi Khaliif Maxamed iyo Lutfi Shariif Maxamed ayaa loo doortay iney ka mid noqdaan aqalka hoose ee baarlmaanka federaalka Soomaaliya kadib doorasho goor dhaweyd lagu soo gabagabeeyay xarunta doorashada Xero-Gaadiid ee Magaalada Muqdisho.

Biibi Khaliif ayaa heshay 46, halka Lutfi Shariif uu ku guuleystay 26 cod.

Tartanka Kuraasta iyo Cododka la kala helay:

Kursiga 1-aad

Biibi khaliif Maxamed 47

Qamar Islow Nuur 4.

Kursiga 2-aad 

Caamir Axmed Maxamed 25

Lutfi Shariif Maxamed:26

Shariif Maxamed Cali:0

Si kastaba, waxaa hadda ka harsan doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya xubno 10 ka yar oo ku harsan beelaha Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, iyadoo la filay maalmaha foodda inagu soo haya in doorashadaa la soo gabagabeeyo.