U bood dhigaalka

20 Carruur Ah Oo Cudurka Jadeecada Ugu Geeriyoodey Sh/dhexe

Sheeko:Caafimaadka

In ka badan 20 Carruur ah ayaa lagu soo waramayaa in cudurka Jadeecada ay ugu geeriyoodeen Tuulada Maandheere ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiyaha Tuuladaasi Saalax Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in carruur kale oo intaasi ka badan ay la il daran yihiin cudurkaasi, islamarkaana aanu jirin xarumo caafimaad oo halkaasi ku yaalla.

Wuxuu tilmaamay in qoys walbo oo ku dhaqan Tuulada Maandheera ay ka xanuunsan yihiin Labo illa Saddex Carruur ah, walibana ay hayso cudurka Jadeecada.

Dhanka kale guddoomiye Saalax ayaa tilmaamay in aysan awoodin xitaa in carruurta xanuunsan ay u qaadaan magaalada Jowhar, kadib wabiga oo fatahay iyo waddooyinkii oo xirmay.

โ€œ20 ka badan carruur ah ayaa Tuulada ku dhimatay, kuwo kale wey xanuunsan yihiin, maleh meel lagu daweeyo, midda kale Tuulada goโ€™doon ayeey ku jirtaa oo meel walbo biyo ayaa jarayโ€ ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Tuulada Maandheere ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle, Hayโ€™adaha Samofalka ah iyo dowladda Soomaaliya in gurmad caafimaad la gaaraan Tuuladaasi.

Goobjoog News