U bood dhigaalka

Imisaa La Diley ? : Tirada Dadka La Diley Bisha Janaayo 2015

Mar kale iyo qormadeenii joogtada ah ee Imisaa La Diley, taasi oo bil kasta dhamaadkeeda aan kusoo bandhigno tirada dadka la diley Soomaaliya, inta ay Goobjoog ka warheyso ama diiwaangalisey.

Sida ku cad tirakoobka aan samaynay dilalka bishani dhacay 2 jibaar ayay ka yaryihiin kuwii aan diiwaangaliney bishii Diseembar 2014-tii oo kor u dhaafayay boqol qof, waxa ay bishani dhanyihiin 40 qof oo dhimasho ah iyo 29 dhaawac.

Inta badan dilalka dhacay waxa ay u badnaayeen kuwa bartilmaameedsi dad muhiim ah, shiral dhacay iyo aanooyin qabiil.

Hadaba dadkii la diley, goorta la diley , meeshii lagu diley iyo dhamaan xogihii aan ka helney waxaan kusoo koobnay xagga hoose.

Janaayo 1, 2015: Goor Habeen ahaa Bam lagu tuuray Radio Galkacyo, Ugu yaraan laba Suxufi ayaa ku dhaawacantay qaraxaas ka dhacay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Suxufiyiinta ku dhaawacantay qaraxaasi, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Shiine Cabdi Axmed iyo C/laahi Maxamuud Aadan (C/laahi Yare), oo ka tirsan Radio Galkacyo.
January 1, 2015: Rasaas lagu furey dad banaanbaxayaal ah magaalada Guriceel kuwaasi oo taageersanaa ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo halkaasi laga saaray maalmo ka hor, waxaa rasaastaasi ku geeriyoodey wiil iyo gabar. Ciidamada dowladda ayaa halkaasi maamusha.
Janaayo 2, 2015: Qarax Miino oo ka dhacay Isgoyska Taleex, Muqdisho, waxaana halkaasi lagu diley qof magaciisa lagu sheegey Maxamed Cabdi oo ka mid ah shirkad lagu magacaabo Dheeman oo qaabilsan jarista tigidyada.
Janaayo 2, 2015: Todobo nin oo u dhashay dalka Kenya, ayaa waxay ku dhaawacantay qarax miino oo ka dhacay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Raggaan, ayaa waxay ka tirsan yihiin macalimiinta Iskuulka Yameys oo ku yaala Waqooyiga Magaalada Galkacyo, iyadoo qaraxu uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.Waxaa la ogyahay inay ku dhinteen laba ruux oo middi uu macalin yahay, halka midka kalana uu ahaa ilaaliyaha Iskuulka Yameys.
Janaayo 2, 2015: Kooxo hubeysan ayaa duleedka degmada Qoryooley ku dilay Oday 70 jir ahaa iyo gabar uu wiilkiisa qabo, iyadoo dilkan uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo ku soo noq-noqonayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilkan ka dambeeyay ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud, dilka ayaa ka dhacay duleedka Qoryooley.
Janaayo 3, 2015: Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa casir liqii galabtaas waxay askari ka tirsan Ciidamada Militariga ay ku dileen agagaaraha Isgoyska Albaraka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Dilkaan waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo galabtaas askari kale oo ka tirsanaa Booliska lagu dilay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan meel ku dhow Carwo Limon, Dadkii Labada dil geystay waa baxsadeen.
Janaayo 4, 2015: Nin Madaxa Looga Jiro Oo Walaalkiis Ku Dilay Degmada Jowhar Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe, Aabe Maxamed Cali Magan oo dhalay Labada wiil ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in Labadiisa wiil ay horay isugu dhaceen, islamarkaana uu isaga kala dhex galay, midka wax dilayna madaxa looga yara jiray, Waxa uu sheegay in uu soo qaatay Faas ama Misaar, islamarkaana walaalkiis oo damacsanaa in Salaad Subax uu Tukado uu maskaxda uga dhuftay Markii uu dhacay ka dibna uu wadnaha uga sii dhuftay sidaasna uu ku geeriyooday.
Janaayo 4, 2014: Gaari marayey deegaanka Luuq Jeelow ee duleedka Magaalada Baladweyne ayaa lagala degay nin lagu magacaabo Cabdi Sahal Cali Faarax, iyagoo dadkii kale ee gaadiidka la socday loo sheegay in ay fasax yihiin, Sahal oo ahaa Sheekh Tabliiq ah ayaa qoorta laga jaray kadibna lasoo dhigay Luuq Jeelow.
Janaayo 4, 2015: Afar qof ayaa ku dhimatay kadib markii nin isku qarxiyay Ciidamada Sirdoonka NISA, qeybtooda Gaashaan agagaarka Afisyooni ee magaalada Muqdishu.
Janaayo 6, 2014: Ururka Al Shabaab, ayaa casir liqii galabtaas afar ruux ku toogtay Fagaare ku yaala Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxay Alshabaab sheegeen in dadkani ay basaasiin ahaayeen.
Janaayo 7, 2014: Ninka Injineer ah ayaa lagu dilay Gobolka Hiiraan, Injineerka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahin Axmed Cali, Injineerka ayaa lagu dilay deegaanka Hees iyo coomaad gaar ahaan meel ku dhaw deegaanka Jilacle oo ka tirsan Gobolkaasi Hiiraan.
Janaayo 7, 2014: Macalin ka tirsan Macalimiinta Jaamacadaha Xamar oo Lagu Magacaabo Cabdixalim Axmed Nuur ayaa gaarigiisa la qarxiyay, Dhaawac xun ayaa qaraxaas kasoo gaaray, waxaa isagii loola cararay Isbitaalka.
Janaayo 8, 2015: Xaafadda Cali Kamiin Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay Qarax Miino ah, kaasi oo qasaare dhimasho iyo dhaawac sababay. Miinadaan ayaa ahayd nooca dhulka lagu aaso waxaana la sheegay in lala eeganayay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka, hase ahaatee Miinada ay qaraxday gaariga markii uu halkaasi ka gudbay, taasina ay keentay in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaarto sida uu inoo sheegay Goobjooge halkaasi ku sugan.
Janaayo 10, 2014: Labo askari oo ka tirsan nabad suggidda ah ayaa ku dhintay qaraxa halka ay sadexhaween ah oo rayid ah ku dhaawacmeen. Qaraxan waxaa uu ka dhacay Kismaayo Xaafadda Guul-Wade.
Janaayo 10, 2014: Qarax ka dhacay saldhig Booliis oo ku yaalo magaalada Boosaaso, askar ayaa ka tirsa booliska ayaa ku dhaawacmey qaraxa.
Janaayo 11, 2015: Nin lagu magacaabo Aadan Xaasho oo ganacsade ah ayaa lagu diley magaalada Kismaayo, waxaana dilkiisa lagu eedeeyey ciidamada maamulka Jubbaland.
Janaayo 12, 2015: Shil gaari oo ka dhacay deegaanka Shimbiraale, Labo qof ayaa dhimatay halka 12 kale ku dhaawacmeen, sababta ayaa lagu sheegay labo gaari oo tartamayey in midkood rogmaday.
Janaayoyo 12, 2015: Waxaa markale Xeebta Magaalada Kismaayo lagu arkay meydadka laba ka tirsan dadka deegaanka, oo dilkooda loo adeegsaday rasaasta nool nool.Labada nin ee la dilay, ayaa waxaa laba habeen ka hor laga qabtay Magaalada Kismaayo, xilli Ciidamada Maamulka Jubba ay hawlgal ka wadeen xaafada Guulwade.
Janaayo 14, 2015: Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa goor subaxnimo ah ku dilay Garaash ku yaal Xaafada Sey-biyaano ee degmada Hodan , Muqdisho askari ilaalo ka hayay garaashka, waxaana ay kooxihii hubeysnaa durba ka carareen goobta, iyagoo gaadiidkooda ku baxsaday.
Janaano 14, 2015: Hal askari ayaa dhintey labo kalena way dhaawacmeen kadib markii bam-gacmeed lagu tuuray bar-kantarool oo ciidamada boolisku ku leeyihiin isgoyska Afar-irdoodka ee magaalada Boosaaso
Janaayo 16, 2015: Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa goor habeen ah bambaabooyin ku weeraray dhismaha idaacadda Gaalkacyo oo ku taalla xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, kuwaasoo geystay khasaare hantiyeed.
Janaayo 16, 2015: Shil gaari ayaa ka dhacay Dharkenley shir Gaari, waxaa halkaas ka dhashay dhaawac aad u daran oo isbitaalka loola cararay.
Janaayo 17, 2015: Sheekh Caan ah ayaa lagu dilay Baydhabo, Sheekha La dilay ayaa lagu magacaabaa Shariif Sayid Cali, waxaana da’diisa lagu sheegay 66 sano jir, isaga oo ka mid ahaa culimada ugu caansan ee Baydhaba.
January 18, 2015: Qarax u muuqday in lagu soo xiray mooto bajaaj, ayaa gelinkii dambe ee maalintaas ka dhacay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir. Qaraxaasi, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu ku dhintay wadihii mooto bajaajka, iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawacmeen laba ruux oo rakaab ahaa, kuwaa oo sida la sheegay dumar ahaa.
Janaayo 19, 2015: Waxaa Qarax Miino uu ku dhintay xoghayihii guddiga xalinta khilaafaadka dhulalka magaalada Afgooye Cali Jamiil, kaa oo ka dhacay inta u dhaxeya deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Xaawo Cabdi.
Janaayo 22, 2015: Inta la ogyahay saddex qof oo laba ay booliis yihiin iyo qofkii weerarka fuliyay ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay afaafka hore ee Hotel SYL qaraxan waxaa lala eegtay Wafti Turki ah oo goobta ku sugnaa.
Janaayo 24, 2015: Waxaa la dilay Cabdulahi Faraweyne oo ah gudoomiye waaxeed hore degmada Yaaqshiid isaga iyo mid ilaaladiisa ka mid ahaa, dilka ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Towfiiq, raggii dilka geystay waa ay baxsadeen.
Janaayo 24, 2015: Goor habeen ah Niman bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay nin dhalinyaro oo arday ahaa ku dileen Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir, waxayna dilka ka dib ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen. Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilka ay dhashay Laki Xaaji Waceys oo ah fanaanad Soomaaliyeed oo dibadda ku nool.
Janaayo 26, 2015: Wiil dhalinyaro ah ayaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha
Janaayo 29, 2015 : Nin dhalinyaro ahaa oo ka tirsanaa Shaqaalaha Soomaalida ee sida dhow ula shaqeysa Shaqaalaha Turkiga ee dhismaha ka wada wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu dilay Suuqa weyn ee Bakaaraha.
January 30, 2015: Dabley hubaysan oo ka tirsan Ciidamada DF ee ku sugan degmada Buurdhuubo ayaa galabtaas gudaha magaalada Buurdhuubo,gaar ahaan nawaaxiga Buundada degmada waxay rasaas xoogan ay ku dileen Gudoomiye ku xigeenkii degmada Buurdhuubo Cali Mataan sida uu GOOB-JOOG FM u xaqiijiyey Gudoomiyaha Buurdhuubo Xasan Maxamed Cali.
January 30, 2015: Wiil Kobo Cadeeye ah ayaa lagu dilay degmada dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.
Goobjoog News