U bood dhigaalka

Xildhibaanad Markii Doorashada Looga Adkaaday Xirtay Barteeda Twitter-ka

Xildhibaanadda laga adkaaday ee Xisbiga Conservative-ka Ingiriiska Esther McVey ayaa xirtay Xisaabteeda xagga Twitter kadib markii ay ku guuldareysatay kursigeeda doorashadii guud ee dhawaan dhacday.

Gabadhan ayaa Profile-keeda meesha ka saartay kadib markii ay kursiga Wirral West uga adkaatay Margaret Greenwood oo u tartameysay Xisbiga shaqaalaha.

Dhambaalkii ugu dambeeyay ee lagusoo daabaco waxaa uu ahaa in Xisaabtan aanay jirin, oo hawada laga saaray, waxaa ku saxiixnaa “@EstherMcVeyMP” does not exist”

Waxay kusoo biirtay barta Twiter-ka sanadkii 2009-kii, iyadoo dirtay in ka badan 5,600 tweets, waxaa sidoo kale taageeray ama soo raacay 16,000 .

Xiritaanka barta Twitter-ka Xildhibaanadda waxaa ka xanaaqay dadkii warbixinadeeda la socday, dadka qaar ayaa ku tilmaamay in ay qaraartay halka kuwa kale ay leeyhiin nasiino ayey aaday.