U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Puntland Oo Ka Warbixiyay Howlgalka Ka Socda Boosaaso

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee maamulka Puntland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ay ciidanku ka wadaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, kaasi oo dad badan lagu soo qabqabtay.

Taliyaha guud ee ciidanka Booliiska Puntland Jeneraal Maxamed Saciid Jaqanaf oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgaladaan ay yihiin kuwo amniga Boosaaso lagu xaqiijinayo, islamarkaana lagu soo qabanayo cid walba oo amniga wax u dhimaysa.

Waxa uu taliyaha tilmaamay in hadda lasoo qabtay dad badan, islamarkaana lagu hayo baaritaan, saacadaha soo aadanna la kala saari doono dadkaasi wixii dambi lagu helo ama waxa aan dambiga lahayn.

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso qaarkood ayaa cabasho ka muujiyay ciidanka oo ay sheegeen marka howlgalka socda in ay si qaldan dadka ula dhaqamaan, iyadoo isla su’aashaan aynu weydiinay Taliyaha.

“Dadkaasi waxaa u arkaa in ay taageerayaal yihiin, amniga la sugayo dadntooda ayaa ku jirta, ciidankaan cidna ma dhibayaan, hantina ma qaadanayaan, mana jirto wax cabasho ah oo ay dadku inoo sheegeen” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland Jeneraal Maxamed Saciid Jaqanaf ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso in ay ciidamada amniga gacan siiyaana, kalana shaqeeyaan sidii amniga loo sugi lahaa.

Goobjoog News