U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Federaalka oo Sheegay in uu Toban Beel Ku Heshiisiiyay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanka Abuukaate Daahir Xasan oo haatan ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in wada hadal siiyeen  oo heshiiyaan 10 beelood oo deegaanka ah.

Dhinaca kale, Waxaa uu sheegay in uu jiro daddaal lagu dhex dhexaadinayo labada beelood ee Defow ku dagaalay, isagoo intaa raaciyay in guddi loo saaray arintaas oo muddo labo maalmood ah lasoo gababaeyn doono.

Xildhibaanka mar uu ka hadlayey arinta Maamul u sameynta gobolka Hiiraan waxaa uu sheegay in gobolkaas xaq u leeyahay in maamul u gaar ah sameystaan, oo waliba hal gobol ah.