U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Kumanaan Doolar Ugu Yaboohday Badbaadinta Soomaalida Yemen

Sheeko:Dalka

Dalka Yemen waxaa ka socda dagaal culus oo sababay in shacab badan oo dalkaasi ku dhaqnaa ay waxyeelo soo gaarto, dad badanna ay dalkaasi isaga cararaan.

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa qaxooti ku ah dalka Yemen, waxaana si aad ah u saameeyey dagaalladaasi, maadaama markii horeba ay halkaasi aysan ku haysan nolol wanaagsan.

Dadkeena qaarkii ma haystaan qarash ay kusoo baxaan si dalkooda ay u yimaadaan, waxaana sidoo kale jirta dad ku dhintay duqeyn ka dhacday dalkaasi.

Goobjoog News oo ka danqatay dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ee Yemen ayaa bilawday 23-kii April 2015, barnaamij loogu magac daray Gurmad iyo Gargaar kaasi oo lagu baraarujinayo shacabka Soomaaliyeed.

Barnaamijkaasi fikradiisa ayaa waxaa ka dhashay in la sameeyo guddi madax banaan kaasi oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed, kaasi maanta Goobjoog News ka wada barnaamij dhaqaale loogu uruurinayo walaalaha ku dhibban dalka Yemen.

Hadaba shacabka Soomaaliyeed oo aysan hagar ku jirin iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku yaboohay lacago badan si walaalahooda loogu gurmado.

Waxaa xusid mudan iyo wasiiro, wasiiro ku xigeen, gudoomiyaha gobalka Banaadir iyo marwada madaxweynaha ay ku yabooheen kumaan doolar oo kala ah sidan.

Wasiirka Arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa oo ku yaboohay mushaarkiisa hal bil 5,000 oo dollar

Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) Wassiirka dhalinyarada iyo Sportiga ayaa ku yaboohay mushaarkiisa hal 900 laga jaray.

Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan oo ku yaboohday 10,000 oo dollar,

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab ayaa ugu yaboohey Qaxootiga Yemen 12-Kun oo dollar kaas oo ah mushaarkiisa labo bil.

Waxaa jirta mas’uuliyiin kale oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo sidaan si la mid ah lacago kumanaan ah ugu yaboohay, iyadoona cid walba oo lacag dhiibtay ay ka damqatay dhibaatada dadka Soomaaliyeed haysa.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa laga sugayaa in ay dhabarka u xirtaan shacabka ku dhibban dalka Yemen oo u baahan in gurmad degdeg ah lala gaaro.

Goobjoog News