U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Avv. Xasan Xusein Xaaji

Sheeko:War

Avv. Xasan Xuseen Xaaji waa xubin ka tirsan guddiga madaxa banaan ee dib eegista dastuurka Soomaalia May 5-teedii 2015-ka gudoomiyahoodii Caasho Geelle is cashishay, waa aqoon yahan lagu bartay arimaha Qaxootiga iyo magangalyo doonka, waxaa uu si weun ugu dooday arimaha qaxootiga iyo dadka ku dhibateysan ee Afrikaanka iyo Soomaalida ah eek u dhaqan Ingiriiska.

Avv. Xasan Xusein Xaaji, waa Abuukaate, dal iyo dibadba ka shaqeeyay, Waxaa uu ku hadlaa afafka kala duwan sida Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.

Waxbarashadiisa Jaamacadda heerka koobaad waxaa uu kusoo qaatay Sanadihii 1990-1994 International Islamic University Islamabad, heerka labaad International Law iyo Human Rights (LLM) Jaamacadda Hull University sanadihii 1996-1998-dii, 2002-2004-tii Waxaa uu sidoo kale Postgraduate Diploma ka diyaariyay International law iyo Human Rights.

 2004-2007-dii waxaa uu Diploma ka qaaday Jaamacadda West London, Waxaa uu dhanka kale intii u dhaxeysat 2007-2009-kii bartay culuum kale sida Maamulka, Law Society iyo shahaadooyin kale.

Dhanka shaqada, Xassan Xussein Haji Sanadihii 1999-2000 waxaa uu ka shaqeeyay C. Roberts Solicitors Asylum & Immigration Caseworker and Human Right Lawyer.

2000 – 2004 – Aston Clark Solicitors Immigration, Magangalyo doonka iyo u doodista Xuquuqda Aadanaha.

2004 – 2005 – Hersi & Solicitors Immigration, Magangalyo doonka iyo u doodista Xuquuqda Aadanaha.

March 2005 – September 2007 – Law for All (London) September 2007 – hadda,  Duncan Lewis Solicitors (London)

Senior Solicitor

 Sooyaalka Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka:

July 3, 2013: Kulanka 2aad, 144 cod ayuu ku meelmaray ansixinta sharciga guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka.

May 29, 2014: Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa lagu meel mariyay Xubnaha Guddi ay soo gudbisay Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Guddigan ayaa ayaa ahaa gudiga madax banaan ee dib-u-eegista dastuurka. Dood iyo falaqayn dheer ka dib waxaa goluhu isku raacay magacaabidda gudigaan oo ka kooban shan xubnood oo kala ah.
1. Marwo Caasho Geele Diiriye-Gudoomiye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xusein Xaaji

June 18, 2014: Kulanka 39aad ee kalfadhiga afaraad ayaa cod loo qaaday Ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka , 234 cod ayaa lagu meel mariyay golahan.

May 6, 2015: Marwo Caasho Geele Diiriye   ayaa iska casishay xilka gudoomiyaha guddiga Madaxa banaaa ee dib u eegista iyo hirgalinta iyadoo ku sababeysay