U bood dhigaalka

Maamulka Gal-mudug Oo Ku Baaqay u Gurmashada Soomaalida Kasoo Cararay Dalka Yemen

Sheeko:Dalka

Maamulka Gal-mudug ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Gudoomiyaha magaalada Gaalkacyo Bile Diini Cali ayaa sheegay in shacabka ay yihiin kuwo aad u dhibban, islamarkaana shacabkaasi la doonayo in meel walba looga soo gurmado.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha in dadka markii gaadiidka uu kasoo qaado magaalada Boosaaso uu keenayo Gaalkacyo iyaga oo safar sii ah, islamarkaana iyaguna dhankooda ugu talagaleen in markii magaaladaasi soo gaaraan ay geyn doonaan meel loogu tala galay si habeenkaasi amnigooda loo xaqiijiyo.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo in qof walba wixii uu awoodo ay dadkaasi ugu yaboohaan, maadaama ay yihiin dad dhibban dagaalna kasoo cararay.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dalka soo gaarayay shacab badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, waxaana dadkani ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Goobjoog News