U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Maanta Xukun Dil Ah Ka Fulisay Magaalada Baydhaba

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku fulisay nin la sheegay in uu ka mid ahaa Xarakada Al-shabaab, islamarkaana uu ka qeybqaatay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Baydhaba taariikhda markii ay ahayd 12-kii March.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa sheegtay in ninkaan ay soo qabteen ciidamada ammaanka markii uu dhacay weerarkaasi, iyadoo dil Toogasho ah lagu xukumay 15-kii April ee aynu kasoo gudubnay.

Ninkaan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaaladda Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, waxaana dilkaasi fuliyay ciidamo ka kala tirsan Booliiska, Milatariga iyo Nabad sugidda.

Ninka dilkaan lagu fuliyay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Siraaji Cabdullaahi Cumar, kaas oo la tilmaamay in cadeymo buuxdo lagu hayay, islamarkaana gaari uu watay oo ay ka buuxeen walxaha qarxa ay ku dhinteen ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobta xukunkaan lagu fulinayay waxaa ku sugnaa gudoomiyaha maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida, Gaashaan sare Liibaan Cali Yarow, Gudoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute iyo saraakiil kale.

Goobjoog News