U bood dhigaalka

Baladweyne:- Ciidamo Booliis Ah Oo Tababar Loo Furay

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa maanta waxaa loo furay tababar ku aadan amaanka degdega ah, sida loo ilaaliyo madaxda iyo sidoo kale howlgalada degdeg ah.

Tababarkaan oo socon doona muddo 15 cisho ah ayaa waxaa ka faa’ideysanaya askar gaaraysa 33, waxaana bixinaya saraakiil ka socota Booliiska AMISOM.

Munaasabadda lagu furayay tababarkaan waxaa ka qeybgalay, mas’uuliyiin ka socota maamulka Gobalka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Booliiska gobalkaasi, xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay AMISOM.

Gaashaanle Dhexe Cali Dhuux Mahad Alle oo ah taliyaha saldhigga Booliiska Baladweyne ayaa saxaafadda u faah faahiyay Tababarkaan, waxaana uu sheegay in uu noqon doono mid ay ciidamada ka faa’ideystaan.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay in cutub ka tirsan ciidamada Booliiska Baladweyne loo furo siminaar Qaali ah, AMISOM Boolis ayaa bixinayso, macalimiintoodana laga keenay Muqdisho, waa Siminaar dibadda loo aadi jiray, waxa uu ku saabsan yahay qaabka amaanka degdeg ah, sida ilaalada madaxda iyo howlgalada degdega ah” ayuu yiri Taliyaha.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa rajo ka muujiyay in ciidamada Booliiska ee Baladweyne, gaar ahaan kuwa tababarkaan loo furay in ay ka faa’ideystaan, markii uu dhamaadana uu wax badan iska bedali doono tababarada ay hadda haystaan.

Goobjoog News