U bood dhigaalka

Wasiirka Arimaha Gudaha oo Ka Baaqsaday Jawaabo uu Ka Bixin Lahaa Arrimaha Baarlamaanka Jubbland

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta waxaa uu Baarlamaanka Federaalka xaruntiisa ku yeeshay kulanka 6-aad ee caadiga ahaa, kalfadhiga 6-aad

Ajendaha ayaa ahaa ka warbixinta golaha Wasiirka arrimaha gudaha Geedi socodka dhismaha golaha wakiilada Maamul-goboleedka KMG ee Jubbooyinka.

Waxaa soo xaadiray 151 Xildhibaan, guddoomiyaha Baarlamaanka oo furay Baarlamaanka ayaa sheegay in Ajendihii ahaa in Wasiirka su’aalo la weydiiyo uu dib u dhacay.

Wasiirka arimaha gudaha ee Federaalka Cabdiraxman Odawaa oo la filayey in maanta imaado ayaa baaqsaday, isagoo codsaday in la  siiyo mudo dheeraad ah oo ah 72 saac sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka.

Intaas kadib waxaa xildhibaanada codsadeen in cod loo qaado, taasi oo dhici weysay kadib markii uu kooramka buuxsami waayey oo hoolka kusoo hareen 105 Xildhibaan.