U bood dhigaalka

Xidhibaan Samaan Maxamed “Baarlamaanka Jubba Qaabka Lagu Dhisay Koox Yar Ayaa Isku Bahaysatay”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee Mooshinka ka keenay baarlamaanka Jubbaland ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay in mooshinkaasi ay keenaan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in mooshinkaan sababtiisa ahayd markii ay arkeen in magaalada Kismaayo dhibaato kasoo socoto, isaga oo mooshinka ku sheegay mid lagu xalinayo dhibaato imaan lahayd.

Qaabka xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland loo soo magacaabay ayuu ku sheegay in uu yahay mid aysan shacabka waxba ku lahayn, islamarkaana dad dano gaar ah leh ay sameeyeen.

“Waxaa la doonayaa in dadka dib loogu celiyo wax horay looga soo gudbay, waxaa laga baxay heshiiskii Addis ababa ee lagu dhisay maamulka KMG ee Jubba, Odayaashii lagalama tashan, koox yar ayaa isku bahaysatay, sidaa darteed ayaan mooshinkaan uga keennay” ayuu yiri Xildhibaan Samaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ka xildhibaanno ahaan ay doonayaan in la helo baarlamaan ay u dhanyihiin shacabka ku dhaqan gobalada Jubooyinka iyo Gedo, laguna saleeyo Dastuurka dalka iyo u yaalla iyo heshiiskii Addis Ababa.

Goobjoog News