U bood dhigaalka

“YouTube Kids” oo Dacwad Laga Gudbiyay

Ururo u dooda xuquuqda Caruurka dalka Mareynkanka ayaa dacweeyay shirkadda Youtube gaar ahaan”YouTube Kids”.

“YouTube Kids” ayaa la sheegay in ay soo bandhigto arimo iyo films ka weyn caruurta taas oo walaac ka muujiyeen ururadadan.

“Campaign for a Commercial-Free Childhood” ayaa sidoo kale sheegtay in Youtube kids soo bandhigto filimo falxumo ah, Shactiro caruurta da’dooda ka weyn iyo arimo kale.

Shirkadda ayaa sheegtay in shirkadda Google ay horay u balanqaaday in ay soo bandhigto arimo munaasib ku ah caruurta lakin ay balantii ka baxday.

Dhankeeda Youtube ayaa balanqaaday in ay ku dadaali doonto soo bandhigidda arimo aan wax yeeli doonin Caruurta.

Youtube ayaa sameysay adeeg u gaar ah caruurta oo loo yaqaano “YouTube Kids”, waxaa kaloo jira adeeg Youtube oo caan ah.