U bood dhigaalka

Maamulka Iyo Waxgaradka Degmada Luuq Oo Kasoo Horjeestay Mooshinka Laga Keenay Baarlamaanka Jubbaland

Sheeko:Dalka

Maamulka iyo waxgaradka degmada Luuq ee gobalka Gedo ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay keenaan mooshin ka dhan ah wakiilada Jubba.

Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Bishaar Aadan Cabdikariin ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya afka maamulka degmada Luuq ay kasoo horjeedaan Mooshinka ay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ka keeneen Baarlamaanka Jubbaland.

Wuxuu sheegay in shacabka iyo maamulka degmada Luuq ay taageero u hayaan xildhibaanada maamulka Jubbaland isaga oo sheegay in ay ka xun yihiin mooshinka baarlamaanka Federaalka uu wado oo uu ku tilmaamay mid abuuraya xasarad siyaasadeed.

“Mooshinkaan anaga waan kasoo horjeednaa, sida wax loo dhisay dadka oo dhan ayaa ku qanacsan, ma aqaan meesha wax loo wado, laakiinse waxaan sheegaynaa in Mooshinka laga keenay Baarlamaanka Jubbaland uu yahay mid abuuri kara xasaro Siyaasadeed” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka degmada Luuq Bishaar Aadan.

Dhinaca kale waxgaradka degmada Doolow oo kulan isugu yimid ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Baarlamaanka Jubbaland, ayna diidan yihiin mooshinka Baarlamaankaasi laga keenay.

Waxgaradkaan ayaa xildhibaanada dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay jiijiyaan mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka Jubba.

Goobjoog News