U bood dhigaalka

Malaaq Shiino “Dib Haloogu Laabto Dhismaha Baarlamaanka Jubba”

Sheeko:Dalka

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino ayaa sheegay in xilligaan ay wanaagsan tahay in dib loogu laabto dhismaha baarlamaanka maamulka Jubbaland, oo uu sheegay in qaab aan habooneen loo maray markii hore.

Waxa uu sheegay in iyagu ay diidan yihiin dhismaha baarlamaankaasi, waxaana uu sheegay in ay u arkaan mid dad gaar ah loogu daneynaye waa sida uu hadalka u dhigaye.

Malaaqa ayaa tilmaamay in dadka Koonfur galbeed aysan ka helin saamigii ay ku lahaayeen baarlamaankaasi waa sida uu hadalka u dhigaye, sidaa darteedna ay doonayaan in dhismaha baarlamaanka dib loogu laabto.

Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ayuu ugu baaqay in faragelin degdeg ah ku sameeyaan arintaan oo uu sheegay in caqabad hor leh ay keeni karayso.

Dood badan ayaa ka taagan dhismaha baarlamaanka maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in baarlamaankaasi laga geeyay mooshin ka dhan ah oo ay geeyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News