U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Bakool

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirtay.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen deegaankaan lagu dagaallamay, waxaana la sheegay in halkaasi dagaal culus islamarkaana saacado socday uu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeroyootay ku dhawaad 15 qof oo u badan dhinacyadii dagaallamay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Gudoomiyaha degamada Tiyeeglow Maxamed Cabdulle Xasan Food Cadde ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalkaasi ay ku dileen 10 dagaalyahanno, halka dhankooda uu sheegay in Seddax ay kaga geeriyootauy Laba kalena ay ka dhaawacmeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in halkii lagu dagaallamay ay la wareegeen ciidanka dowladda, isaga oo xaladda sheegay in ay tahay mid degan.

Dhanka xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Goobjoog News