U bood dhigaalka

Wasiirka Arimahada Dibadda Qatar Oo Muqdisho Yimid Iyo Kulamo Uu La Qaatay Madaxda Dowladda

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wasiirka arimaha dibadda dowladda Qatar Khalid Bin Maxamed, iyadoo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Intaasi ka dib ayaa wasiirka loo galbiyay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu kula soo kulmay madaxda sare ee dowladda sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Waxyaabaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ah, iskaashiga Labada dal, arimaha amniga, waxbarashada, Caafimaadka, tacliinta iyo arimo kale oo muhiim ah.

Khalid Bin Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “ Waxaan maanta ku faraxsanahay kulanka Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, Waxaan madaxweynaha usoo gudbiyay salaanta Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad AlThani xubnaha Xukuumadda waxaa ka wada hadalnay xaaladda Soomaaliya iyo horumaradda la gaarayo intii ay jirtay Xukuumadda Walaalkay Cumar Cabdirashid”

“Waxaa ka wada hadalnay sidii Qatar ay Soomaaliya uga caawin lahayd meelaha aadka ugu baahan inta dalkan laga caawiyo, taas oo lagu dhisayo dhaqaalaha Soomaaliya dhinacyada Beeraha, Kallumeysiga, dhismayaasha, Caafimaadka iyo meelo badan oo Soomaaliya ay u baahantahay Marxaladaha soo socda, Soomaalid hogaankan wanaagsan waxaa uu u horseeday horumar lagu kalsoonaan karo, waxaa u rajeynaynaa horumar inaga haddii aan nahay Qatar, waxaan mar walba garab iyo gadaal ka taagnahay Soaamliya”

Wasiirka Arimaha dibadda dowladda Federaalka Cabdisalaan Hadliye oo isna Garoonka kusii sagoontiyay dhigiisa Qatar ayaa sheegay in socdaalka wasiirka uu ahaa mid ay aad usoo dhaweeyeen, isaga oo xoojiyay qodobadii laga wada hadlay.

Goobjoog News