U bood dhigaalka

Xildhibaan Sheegay In Cod Loo Qaadi Doono Mooshinka Ka Dhanka Ah Baarlamaanka Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan codka loo qaadi doono mooshinka ka dhanka baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaanka oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in qaabkii loo dhisay baarlamaankaasi uu yahay mid lagu xad gudbay Dastuurkii, islamarkaana ay jiraan degmooyin la diiday iyo kuwo aan degmooyin ahayn oo degmo laga dhigay.

Sidoo kale mudanaha ayaa sheegay in dadkii deganaa gobalada Jubooyink iyo Gedo aysan u dhameyn baarlamaankaasi la dhisay, loona baahan yahay in hadda dib loogu laabto.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa meesha ka saaray in uu fashil ku yimid mooshinkooda, isaga oo tilmaamay in hadda meesha ugu hagaagsan uu maryo.

Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay mooshin ka keeneen baarlamaanka Jubbaland oo ay sheegeen in aan sharci lagu dhisin.

Goobjoog News