U bood dhigaalka

Musharrax Axmed Macalin Fiqi “Waxaan Uga Qeybgalayaa u Gurmashada Soomaalida Yemen 2-kun Oo Doolar”

Sheeko:Dalka

Musharrax Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka madaxweynaha maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud, ayaa ka qeybgalay barnaamij Tabarucaad loogu uruurinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Fiqi ayaa ugu horeen ku amaanay Goobjoog News barnaamijka gurmad iyo gargaar iyo sida bulshada Soomaaliyeed loogu dhiira gelinayo in walaalahooda Soomaaliyeed ay u gurmadaan.

Waxa uu sheegay in isaga uu aad uga danqanayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen, waxaana uu sheegay in isaga ka shaqsi ahaan uu ololahaan tabarucaadda ah uu dhiibayo 2-Kun oo doolarka Maraykanka ah.

Idaacadda Goobjoog waxaa ka soconaya barnaamij tabarucaad loogu uruurinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen, waxaana ku sugan xarunta dhexe ee Goobjoog guddiga badbaadinta iyo samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxaad lacagta lagu shubi karaa

  • Accountiga Salaama: 3058178
  • Accountiga Dahabshiil: MQD 0028404
  • Telefoonada EVC-da ah: 0617885353

Dadka dibadaha jooga waxay lacagaha si toos ah ugu soo diri karaan Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nuur Baaruud oo laga helo: 0615303738 ama Marwo Batuulo Gabale, gudoomiye ku xigeenka gudigan oo laga helo: 0618949960

Hadii aad doonayso in aad ka qeybqaadato Barnaamijka si toos ah, soo wac taleefanada kala ah

0616564444

0615525758

0617073557

Dadka Soomaaliyeed ayaa laga doonayaa in ay u gurmadaan walaalahooda ku dhibban dalka Yemen, halkaasi oo dagaallo ay ka socdaan.

Goobjoog News