U bood dhigaalka

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Oo 7-Kun Oo Doolar Ugu Yaboohay Badbaadinta Soomaalida Yemen

Sheeko:Dalka

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuur Yare ayaa goor dhaw qadka Taleefanka uga qeybqaatay barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo tabarucaad loogu uruurinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban Yemen, isaga oo Kumanaan doolar ku yaboohay.

Taliyaha ayaa ugu horeen Goobjoog ku bogaadiyay howsha ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in howsha gurmadka ah mid loo baahnaa.

Taliye Tuur Yare ayaa ugu yaboohay walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen 7-kun oo doolarka Maraykanka ah, si loo badbaadiyo shacabkaasi.

Waxaad lacagta lagu shubi karaa

  • Accountiga Salaama: 3058178
  • Accountiga Dahabshiil: MQD 0028404
  • Telefoonada EVC-da ah: 0617885353

Dadka dibadaha jooga waxay lacagaha si toos ah ugu soo diri karaan Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nuur Baaruud oo laga helo: 0615303738 ama Marwo Batuulo Gabale, gudoomiye ku xigeenka gudigan oo laga helo: 0618949960

Hadii aad doonayso in aad ka qeybqaadato Barnaamijka si toos ah, soo wac taleefanada kala ah

0616564444

0615525758

0617073557

Dadka Soomaaliyeed ayaa laga doonayaa in ay u gurmadaan walaalahooda ku dhibban dalka Yemen, halkaasi oo dagaallo ay ka socdaan.

Goobjoog News