U bood dhigaalka

Faallo: MaaMulka Jubba iyo Baarlamaankiisa Ya Gafka Hor Galay?!!

Sheeko:Qormooyin

Sidaan wada ogsoonahay May, 2013 waxaa magaalada kismaayo lagu unkay maamul loogu magac daray maamulka Jubbaland, maalintaas waxaa meesha fadhiyay 500 oo ergo ah oo ka kala yimid beelaha kala duwan ee dagan deegaanada maamulkaas uu rabo inuu ka taliyo.

Ergadaas waxay si aqlabiyad leh codka ku siiyeen Axmed Madoobe isaga oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulkaasi uu yeesho

arintaasina markay dhacday waxaa shirar kale isla magaalada ku qabtay siyaasiyiin kala duwan kuwaas waxaa ka mid ahaa Barre Hiiraale iyo kuwa kale, mid kastaana dad uu isagu watay ayaa cod u qaaday doorashana u sameeyay.

Waxaa isla maalintaas madaxweyne kastaa uu isku caleema saaray magaalada Kismaayo waxaana qasmay ammaanka magaalada maadaama ay ku sugnaayeen dhawr madaxweyne oo is diidan mid walibana uu han uga jiray inuu magaalada u haro.

wixii intaas ka dambeeyayna waxaa magaalada ka billawday isku diyaarinta dagaal iyo in madaxweyne kastaa uu billaabay aruursiga ciidan iyo inuu magaalada ka saaro wuxii isaga kasoo hara.

Maalmo yar kadib oo ay magaalada ka jirtay dhaq dhaqaaq ciidamo, hub iyo tabar aruursiba waxaa billowday dagaalkii la filayay oo awalba saansaantiisu ay muuqatay dagaalkaas waxaa meesha uga baxay Barre hiiraale iyo intii kale ee madaxweyneyaal ahaa waxaana goobta kusoo haray Axmed Madoobe.

Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa uu Axmed madoobe billaabay kulamo uu dalalka Kenya iyo Ethiopia kula soo qaadanayay madax wadamadaas ka tirsan ugu dambeyna shirarkaas waxaa kasoo baxay in magaalada Adisababa uu heshiis ku dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubba.

Heshiiskaas u dhexeeya Dowladda iyo maamulka Jubba wuxuu dhacay Augusto 29-keeda 2014-ka, Dowladda Soomaaliya heshiiskaas  u saxiixay Faarax Sheekh C.qadir Maamulka Jubba asna waxaa u saxiisay Madaxweynehooda Axmed Madoobe.

Heshiiskaas qodobadii kujiray waxaa ka mid ahaa in Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha lagu wareejiyo Dowlada Soomaaliya lix bil kadib, lacagta kasoo xarootana wax loogu qabto Jubba, waxaa kaloo heshiiska ka mid ahaa in ciidamada nidaamkaas la hoos keeno ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Hadaba heshiiskaas oo la gaaray waqtigii dekedda la wareejin lahaa waxba kama suurtoobin ciimadana wali waxay hoos tagaan Jubba hadaba haddii qodobadii aysan hir galin maxaa tillaabo dowladda la gudboon?

Maxaase dowladdu ay u daba gali la’dahay qodobadaas?

Heshiiskaas bulshada soomaaliyeed waxay u arkaysay mid aan rabitaan dowladeed ku imaan ee uu yahay cadaadis Ethiopia ay dowladda kusaaraysay inay la heshiiso Axmed madoobe maamulkaasna ay aqoonsadaan.

Waxaa magaalada Kismaayo ka dhacday in wasiiro iyo madax dowladda ka socotay oo Kismaayo u tagay in wada hadal la sameeyaan Axmed madoobe oo xaalada ay soo indha-indheeyaan lagu hakiyay garoonka Kismaayo ayadoo xataa wararka qaar ay lahaayeen waa la xiray kadibna ay magaalada Muqdisho dib ugu oo laabteen

Waxaa sidoo kale soo baxayay in dowladda gabi ahaanba aysan raali ka ahayn maamulka Jubba sidoo kalena waxaa si hoose loo hadal hayay in Barre hiiraale uu dowladda ka helay hub uuna rabay inuu dib ugu laabto magaalada Kisyaamo taasoo keeni lahayd in maalmula Jubba uu galo shaki magaaladuna ay noqon lahayd meel dagaal laakiin taas badalkeeda Barre hiiraale uma suuroobin inuu Kismaayo dib u galo.

Intaas wixii ka dambeeyay maamulka Jubba waxa uu noqday mid illaa xad caga dhigta shaqadiisana si caadi ah u wata in kastoo deegaanadiisa qaar ay wali gacantooda ka maqanyihiin oo ay ka taliyaan Alshabaab.

Muddo markii maamulku uu shaqaynayay waxaa la gaaray xilligii lagu dhawaaqi lahaa ama la samayn lahaa Baarlamaan uu yeesho Maamulkaas Jubba billowgii 2015 ayaa shir la isugu yimid kismaayo si odayaashu ay uga tashadaan samaynta baarlamaankaas iyo sidoo loosoo xuli lahaa

March, 2015 waxaa sidoo kale booqasho ku tagay magaalada kismaayo wasiirka Arimaha gudama iyo federalka C/raxmaan odawaa kaas oo furay xafladda lagu soo xulayay baarlamaanka Jubba sidoo kale waxaa la socday wasiiro iyo xubno dowladda ka tirsan.

Hadaba markii la guda galay soo xulista baarlamaanka waxaa cabashooyin kala duwan ay ka imaanaysay dadka dega gobolada qaar sida kuwa dega gobolka gedo laakiin cabashadaas waa la iska indha tiray xaajaduna waxay u muuqatay “fad ama ha fadin waa lagu fadsiin” yeel ama ha yeelin waa lagu yeelsiin.

Waxaa April 15, 2015 si rasmi ah loogu dhawaaqay Xildhibaanada Baarlamanka  Jubba ayadoo la sheegay in lasoo dhameystiray xulistooda oo ka socotay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Markaas wixii ka dambeeyay waxaa billowday hadalada warbaahinta laga sheegayo kuwaas oo inta badan lagu dhaliilayay baarlamaankaas iyo qaabkii uu ku samaysmay waxaadna ugu dambeyn ay noqotay in Baarlaamka laga geeyo mooshin kaas markii laga doodayay dhaliyay muran u dhexeeya Xubnaha Baarlamaanka.

Su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay haddii markii hore maamulka Jubba uu ahaan lahaa  wada tashi iyo go’aan dowladda ka yimid mid ku dhashay maanta ma dhici lahayd in dood laga keeno baarlamaankiisa?

Haddiise markii maamulkaas uu ku samaysmay qaabka aan wada ognahay tallaabo laga qaadi lahaa ama mooshin laga keeni lahaa maanta muran kama taagnaadeen Barlamaan.

Soomaali waxay ku maahmaahdaa “baroorti orgiga ka wayn” ee mooshinka baarlamaanka ee Jubba ma mid lagu saxayo qaladkii la galay mise waa mid dano kale ka dambeeyaan.

W/Q: Mohamed Deik Tako

Blogg: http://deik-taako.blogspot.com/