U bood dhigaalka

Ma Daw Baa in Dadka Loo Dilo Gaadiidka Dowladda ee Dariiqa Maraya ?

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf ayaa qirey in ciidamada militariga Soomaaliya ay ahaayeen kuwii toogashada ku diley xildhibaan Yuusuf Dirir oo shalay u geeriyoodey dhaawac kasoo gaaray rasaas ay gaarigiisa ku fureen ciidamada.

Sababta dilka keentey ayaa waxa ay ahayd kadib markii baabuurka xildhibaanada waday uu seed siin waayay baabuurka ay ciidamada ku joogeen, kaasi oo askartii saarneyd ay ka xanaaqdey arrinkaasi, kadibna inta baasay rasaas huwiyey.

Kani waa dhaqan aad loogu yaqaano inta badan dadka hubeysan ee Soomaaliya waxay doonaanba ha ahaadaane, gaar ahaan xiligii hoggaamiye kooxeedyada ayaa waxaa dhici jirtey in waddooyinka gaadiidka tiknimada ay ku furtaan rasaas, taasi oo ay dad ku dhiman jireen.

Balse maanta maadaamaa loo gudbey nidaam iyo dowladnimo, askartuna yihiin kuwa illaalinaya nafta iyo hantida shacabka iyo waliba madaxda, ayaa waxaa la filayay in dhaqankaasi uu isbadal ku yimaado.

Markii askartani ay rasaasta ku furayeen gaariga xildhibaanka uma aysan eegin dadka gaariga saaran madax iyo shacab waxa ay yihiin, wax dana kama aysan lahayn, waxaana dhici kari lahayd haddii dadka ay laayeen ay shacab caadi ahaan lahaayeen aanan in badan la’is weeydiiyeen, islamarkaasina aanan baarista hadda la sameeyey aanan la sameeyeen.

Waxaa shacabka intaasi usii dheer handadaada , cago jugleynta, indho guduudinta iyo qori ku fiiqista ay maalin kasta kala kulmaan ciidamada dowladda ee dariiqyada isticmaalaya, kuwaasi oo iska noqdey dhaqan joogto ah oo hadda lala qabsaday, balse halistiisa leh.

Haddii ay tahay in wax laga barto dhacdadii xanuunka badneyd ee lagu diley xildhibaanka, waxaasi waxa ay noqon karaan in ciidamada dowladda laga wacyigaliyo qaabka ay jidadka u isticmaalayaan iyo sida ay u xadidayaan xanaaqooda, xitaa haddii laga hor istaago in ay hawl gutaan.

Laakiin malaha casharka ugu muhiimsan ee dhacdadaasi ay ciidamada dowladda ka baran karaan ayaa ah in naftooda xitaa ay halis ku gali karto haddii ay rasaas furaan, dhicina karto in loosoo jawaabo oo ay iyagaba ku waxyeeloobaan sida hadaba dhacday.

Goobjoog News