U bood dhigaalka

Doon u Rarneyd Ganacsato Soomaali Ah Oo Ku Degtay Xeebaha Cumaan

Sheeko:Dalka

Doon u rarneyd Ganacsato Soomaali ah, gaar ahaan kuwo ku sugan Puntland ayaa la sheegay in ay ku degtay Xeebaha Cumaan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in doonidaan oo waday shixnado ganacsi ah ay kusoo wajahneyd dhanka magaalada Boosaaso, hase ahaatee cillad timid awgeed ay u degtay.

Doontaan ayaa magaceeda waxaa lagu sheegay Nuur Qariibi, waxaana inta badan soo raran jiray ganacsatada Puntland ku sugan.

Illaa iyo hadda lama shaacin cillada ay la degtay waxa ay ahayd, iyo sidoo kale alaabta ganacsiga ah ee ay waday.

Goobjoog News