U bood dhigaalka

Maalinta Afrika oo Loo Dabaaldagayo

Sheeko:Dalka

Maanta waa 25 May 2015, Afrika waxaa ay xustay 52 sano guuradii kasoo wareegatay aasaaska ururka Organisation of African Unity taas oo markii dambe isku badashay African Union(AU).

Waxaa la dhisay ururkan sanadkii May 25, 1963-dii ururkii Midnimada Africa ama OAU kasoo markii dambe 9-kii July 2002-dii lagu badalay AU, xarunta Ururkan waxay ku taala Magaalada Adis Ababa ee ee Caasimadda Ethopia.

Waxaa uu Ururka leeyahay gole dhaqaale, mid Amni iyo mid nabad ilaalin iyo gudiyo joogto ah, waxaa jiro urur goboleedyo sida: IGAD, ECOWAS, ururka Midowga Carabta Afrika iyo Ururka SIIN iyo ZAAS ee SAAXIL iyo SAXARAHA.

Madaxweynaha Ruushka oo dhamaab u qoray Madaxweynaha AU-da ee xiligan Mugabe, waxaa uu sheegay in Afrika u midoobaan damaca dhaqaale iyo midka Siyaasadeed ee reer galbeedka.

Dilomaasiyiin u dhashay dalalka Zimbabwe iyo Koofurta Afrika ayaa dhankooda wax laga xumaado ku tilmaamay in Afrika kala qeybsan tahay 52 sano kadib dhismihii ururka OAU-da.

Dalka Soomaaliya waxaa uu ka mid ahaa dalalkii wax ka dhisay ururkan 25-kii May 1963-dii, Waxaa sidoo kale shir madaxeedka Afrika Muqdishu lagu qabtay 1974-tii.

Qaaradda Afrika ayaa ku jirta xaalad aad u adag, dhibaatooyin iyo dagaalo sokeeye ayaa jira wadamo badan sida: Soomaaliya, Suudaan, Koofurta Suudaan, Burundi, Liibiya iyo wadamo kale oo ku yaalo Galbeedka iyo Koofurta Qaaradda.