U bood dhigaalka

Shacabka Garoowe Oo Lacag u Aruuriyay Dadka Kasoo Cararay Dagaallada Yemen

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ayaa lacag dhan 21-kun oo Doolar Maraykanka ah waxa ay u Aruuriyeen dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Gudoomiyaha jamaacadda Bariga Afrika qeybteeda magaalada Garowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah guddiga lacagtaan soo Aruuriyay ayaa ku wareejiyeen lacagtaan guddiga culimada Puntland ee u isku taagay gurmadka dadkaan.

Lacagtaan ayaa laga soo uruuriyay Afar Masjid oo ku yaalla magaalada Garoowe Jimcihii lasoo dhaafay, waxaana masaajidaasi ku sugnaa shacab aad u badan.

Masaajidda lacagtaasi laga soo uruuriyay ayaa kala ah Xaaji Cali, Raxma, Hudda, iyo masjidul saxaafada, iyadoo lacagtaasi wax loogu qaban doono shacabka Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada Yemen.

Tani ayaa waxay qeyb ka tahay gurmadka shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland u fidinayaan dadka kasoo cararay dagaallada Yemen ee dalka kusoo laabanaya, halka shalay Somaliland ay shacabkaasi soo cararaya ka xiratay Dekadaheeda.

Goobjoog News