U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedkii Xildhibaan Yusuf Dirir

Sheeko:War

Axaddii May 24, 2015-ka, dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in Ciidankeeda ay dileen Xildhibaan Yusuf Dirir iyagoo balanqaaday baaritaan hufan.

Goobjoog News oo aad uga barateen soo gudbinta waxyaalaha dhaxal-galka ah bulshada Soomaaliyeed ayaa halkan kusoo gudbin doonta Taariikh Nololeedka Ex. Xildhibaan Yusuf Dirir.

Xildhibaan Dirir, Waxaa uu ku dhashay Ceerigaabo 1934-tii, isagoo ka baxay Iskuulka caanka ah ee Sheekh ee uu ka mid ahaa ardaydii ugu horeysay ee wax ka dhigata.

Waxaa xiligii Dhaakhiliga 1958-kii loo diray dalka Ingiriiska isagoo halkaas kasoo bartay cilmiga dhaqaalaha, waxaa uu dalka dib ugu soo laabtay 1962-dii.

Markii uu dhashay Kacaankii 1969-kii, Yusuf Dirir, waxaa uu ahaa lataliyaha Madaxweyanaha, isagoo 15-kii maalmood ee Kacaanka ugu horeysay ka mas’uul ahaa xiriirka Caalamiga, kadib waxaa ay isku dhaceen Siyaad Barre waxaana la xiray Sanooyin badan.

Yusuf Dirir waxaa uu ka mid ahaa dadkii aasaasy Jabhaddii ugu horeysay ee Maxamed Siyaad Mucaaridda ee SANDAF, Jabhaddan ayaa ujeedadeedu aheyd in xukunka ka tuuraan Siyaad Barre.

Xabsiga kadib waxaa uu masaafuris ku joogay  dalka Sacuudiga halkaas uu ku nolaa ilaa inta ay ka dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1996-dii.

Dalka Sacuudiga waxaa uu ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda Aramco, waxaa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay dalka Qatar.

Ex. Xildhibaan Yuruf Dirir waxaa kaloo uu muddo ku nolaa dalalka Kenya, Tanzania iyo Itoobiya.

Mr. dirir waxaa uu ifka kaga tagay 8 Caruur ah: 3 Hablood oo ku nool Canada,  3 hablood kale waxaa ay ku noolyihiin Ingiriiska,  Gabar Dhakhtarad ah, Waxaa ay ku nooshahay Sweden halka  wiilka kaliya uu dhalay uu hadda ku noolyahay magaalada Hargeisa.

Xiliga la dilayey waxaa uu ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 2012-2016, waxaa uu ahaa Xildhibaan kasoo jeeda gobolada waqooyi ee dalka, Waxaa uu ka tarjumayey Midnimada Soomaaliya, isagoo aad u diidanaa goono isu taagga Somaliland.

Xildhibaan Yusuf Dirir, Ciidamada dowladda ayaa dilay isagoo kasoo baxay xarunta Baarlamaanka May 23, 2015, Waxaa Muqdishu lagu aasay May 25, 2015.

Fiiro Gaar ah: Lama Daabacan karo qoraalkan iyadoo aan ogolaashiyo laga heysan Goobjoog News.