U bood dhigaalka

Al-shabaab Oo Askar Kenyan Ah Ku Dishay Gaarisa

Sheeko:Dalka

Tiro Ciidamada Booliiska Kenya ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen weerar Al-shabaab ka geysteen deegaanka Yumbis oo ka tirsna Fafi , Garisa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 Booliiska Kenya ah ay ku dhinteen weerarka Al-shabaab ee Garisa.

Ciidamo ka badbaaday halkaas ayaa sheegay in afar gaari halkaas looga gubay, Booliis ayaa u socday Yumbis saacado kadib weerar Miino oo askar kale lagu dhaawacay.

Mas’uul ka tirsan Fafi Geoffrey Taragon ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawacyada aanay khatar ku jirin.

Sooyaalka Qaraxyada Kenya:

 7 August 1998: 213 qof ayaa Nairobi ku dhimatay oo ku jiraan Askar, Sirdoon iyo shaqaale Mareykan ah, 11 kale ayaa ku dhinat Daru salaam, dhaawaca aad ayuu u badnaa.

21 September 2013: Westage Mall, weerar lagu qaaday waxaa ku dhimatay in ka badan 67 qof, in ka badan 200 ayaa ku dhaawacantay.

2 April 2015, Dabley ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa ee magaalada Garissa, Kenya,waxaa ku dhintay  150, waxaa ku dhaawactay 79 qof.