U bood dhigaalka

Google oo Sawirada Kula Tartami Doonta Facebook iyo Tweeter.

Sida lagu daabacay Webka Bloomberg, Shirkadda Google ayaa dhawaan soo saartay barnaamijka sawirada lagu share-gareeyo oo qeyb ka ah adeegga shirkadda ee Google+ Photos

Arintan ayaa la sheegayaa ay jirtay ilaa bishii August ee sanadkii hore, lakin ilaa iyo hadda barnaamijka lama hirgalin, shirkadda ayaa xoogga saari doonta adeeg sawiro oo la mid ah Facebook iyo Tweeter.

Shirkadda Google ayaa dooneysa in ay hesho shacbiyad la mid ah shirkadaha facebook iyo Tweeter.

Google+ Photos, ayaa sheegtay in nidaamka cusub ee shirkaddan uu la mid yahay Inistgram oo ay la wareegtay Facebook 2012-kii, taas oo kor u qaaday Facebook 300 Milyan uu Dollar.

Shirkadda Instigram ayaa xiligaas waxaa ku xirnaa in ka badan $1 billion in 2012, Shirkadda Facebook sababtaas darted waxaa isla markiiba ku biiray 300 Milyan oo dadka isticmaalo.

Android for Work iyo Android M oo codadka ayaa ka mid ah waxyaabaha ay soo kordhisay shirkadda Google, oo suuq hor ah raadineysa.

Shirkadda ayaa waxaa ay heysataa adeegga baaridda caalamka, suuqan cid ku heysato ma jirto balse iyada ayaa dooneyso in suuqyo kale ay gasho sida  suuqa Mobilada.