U bood dhigaalka

Midowga Afrika Oo Sheegay In Soomaaliya Ay Ka Gudubtay Marxaladihii Adkaa Ee Soomaray

Sheeko:Dalka

Ururuka Midowga Afrika ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan laga dareemayo isbedallo dhanka horumarka ah, islamarkaana ay kasoo gudubtay marxaladihii adkaa ee dalka uu soo maray.

Wakiilka Midwga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman S. Sidikou oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay kusoo laabatay wadada Kabashada, islamarkaana ka urur ahaan ay iyagu taasi door muhiim ah ka ciyaareen.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay dib usoo ceshanayso magaceedii Midowga iyadoo dowladda Federaalka ay kaashaneyso saaxibadeeda Midowga Afrika iyo kuwo kale.

“Midowga Afrika waa in lagu amaanaa dadaallada ay ugu jirto yareenta dhibaatooyinka ka jirta qaaradda, sidoo kale door muhiim ah ayeey ka ciyaartay dejinta Soomaaliya, waxaa marqaati cad u ah guusha howsha midowga Afrika ee Soomaaliya ka hayaan, Maanta Soomaaliya waxa ay ku guuleysanaysaa inay soo ceshato magaceeda Midowga, dowladda Federaalka iyo saaxiibo muhiim ah waxay ku dadaaleen in Soomaaliya ay heerkaan kusoo laabato” ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli dalka laga dareemayo isbedallo dhan walba leh, iyadoo meelo badna oo dalka uu ka soconayo dib u dhis ballaaran.

Goobjoog News