U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo Dib U Dhigtay Wada Hadalladii Yemen ee Geneva

Sheeko:Dalka

Xogheyaha Qaramada Midoobey Banki Moon ayaa ka dalbaday ergagiisa Yemen Ismaciil Walad Sheekh Axmed in dib loo dhigo wada hadallada Yemen oo Khamiista lagu waday in ay ka dhacdo Geneva.

Go’aankan ayaa ka dambeeyay  kadib markii Xukuumadda iyo kooxaha kale ee ku dagaalaya dalka Yemen ay codsadeen in la siiyo waqti dheeraad ah.

Afhayeen u hadlay Banki Moon ayaa sheegay in Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobey uu aad uga xun yhay, kana niyad jabsan yahay in wada hadalladan ay ka jiro cajo jiid dhinacyada kala duwan ah.

Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii hore ku dhawaaqday in May 28, 2015 uu wada hadal uga furmi doono kooxaha Yemen magaalada Geneva dalka Switzerland taas oo aan dhici doonin sida muuqata.

Dalka Yemen, Waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Cabdirabu Mansuur Haadi iyo Xuutiyiinta, waxaa kaloo halkaas ku go’doonsan Qaxooti badan oo Soomaali ah oo Nus Milyan ku dhaw.