U bood dhigaalka

Baabuurta Kaligood is Wado oo Shirkad Jarmal ah ay soo Saartay

 Shirkad Jarmalka ah ayaa sheegtay in ay soo saartay  gaawaarida is wado, tilaabadan oo ay ku nasan doonaan Darawaliilnta ama dadka baabuurka wado.

Shirkaddan ayaa kusoo bandhigtay Gaarigan mid ka ah gobolada Mareykanka ee Nefada, gobolkan ayaa ogolaaday in gaaridan gobolkaas laga isticmaalo.

Shirkadda ayaa sheegtay in Baabuurtan aanay kaligood is wadeyn balse ay ku gacan siineyso in uu nasto oo ay si fiican u kaalmeyn doonto.

Shirkaddan Jarmalka ayaa sidoo kale cadeysay in Baabuurkan uu yareyn doonto Shilalka, Shidaalka badan o xitaa Jaamka iyo Bay’ada.

Barnaamijka gaariga ku xiran waxaa uu la shaqeeyaa Kamirooyin jidka dhinac walba ka sawira, waxaa sidoo kale ku jira gaariga barnaamij la shaqeeyo, waxaa kaloo muhiim ah in Darawalka uu xilligii uu rabo uu gaariga dib u wadi karo.

Dhageystayaal badan oo xiiseeya Baabuurta cusub, waxaa laga yaabaa in ay isweydiinayaa goorta Baabuurtan soo gaari doonaan, lakin waxaa ka horeysa in jidad lagu socdo dalka loo sameeyo.

Ka fakir adigoo u sheega gaarigaad goobta aad dooneyso kadib adigoo aan Steerinka taaban ku geeyo guriga ama goobta aad rabto.

Tecknolojiyadda ayaa maalin walba, waxaa ay soo saartaa nidaamyo cusub, tani waa hor u mar kale oo caalmka laga gaaray.