U bood dhigaalka

Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Dhaqdhaqaaq Ka Wada Degmada Garbahaarey Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamo badan oo Itoobiya ka socda ayaa lagu soo waramayaa in ay soo gaareen degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo, kuwaasi oo dhaq dhaqaaq ciidan ka wada degmadaasi.

Ciidamadaan oo ay wehlinayaan kuwo Soomaali ah ayaa la sheegay in illaa iyo xalay ay halkaasi soo gaarayeen.

In ka badan 35 gaadiidka waaweyn ee dagaalka ayaa la sheegay in ciidankaan ay saarnaayeen, waxaana degmada oo dhan laga dareemayaa jawi ka bedalan kii hore.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Garbahaarey ayaa u sheegay Goobjoog News, in la hadal hayo ciidamadaan inay ku wajahanyihiin degmada Baardheere iyo deegaanada kale ee Al-shabaab ku sugan yihiin.

Waxaan isku daynay in aynu xiriir la sameynayo maamulka degmada Garbahaarey si xog badan u helno ayaan inoo suurta gelin.

Goobjoog News