U bood dhigaalka

Dagaal Dad Badan Ay Ku Naf Waayeen Oo Ka Socda Deegaan Ka Mid Ah Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dagaal beeleed ayaa lagu soo waramayaa in uu ka soconayo deegaanka Balli-dhiig ee gobalka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay 10 qof, iyadoo dhaawacyada ay ka badan yihiin 16 oo dhinacyada dagaallamaya u badan.

Nabadoon Maxamuud Dhoore oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan halkaasi ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News khasaaraha dhimashada, waxaana dhinaca kale uu tilmaamay in dagaalka uu socdo muddo Seddax maalin ah.

Deegaanka Balli-dhiig ee lagu dagaallamayo waxa uu dhowr Kiilo Mitir u jiraa degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud, waxaana degmadaasi lasoo gaarsiiyay dhaawac badan.

Cali Cumar Tarabbi oo ah agaasimaha Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel ayaa u sheegay Goobjoog News, in Isbitaalkaasi lasoo gaarsiiyay 16- ruux oo qaarkood dhaawacyo halis ah qabaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca uu intaasi kasii badan karo, maadaama ay jiraan dad kale oo meelo kale loo qaaday dhaawacyadooda.

Dagaalka waa mid socda, mana muuqato rajo ku aadan in dadkaan is dilaya la kala dhex galo, welina si rasmi ah looma xaqiijin waxa uu dagaalkaan ku bilawday.

Goobjoog News