U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Galgaduud Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Socda Deegaanno Ka Mid Ah Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Galgaduud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal ka socda deegaanno ka mid ah gobalkaasi, gaar ahaan deegaano xiga dhanka xuduudda Itoobiya.

Gudoomiyaha gobalkaasi Xuseen Wehliye Cirfo ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalkaasi uu u dhaxeeyo dad deegaan ah iyo sidoo kale ciidamada New Police ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in weerarka dagaalkaasi ay lahaayeen ciidamada New Police, isaga oo tilmaamay in dhibaato badan ay soo gaartay dadka deegaanada lagu dagaallamay ku sugan.

“Dagaaladaan socda waxaa ka dambeyay markii ciidamada Kilinka Shanaad ay kusoo duuleen deegaano gobalka ka mid ah, waxaana halkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in ciidamo New Police ah ay yimaadeen deegaano kale oo saakay dagaallo ka qarxeen, dadkii reer Miyiga ahaa ayaa dhibaato badan soo gaartay”

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale ugu baaqay dhinacayadaan is haya in dagaalalda ay joojiyaan, sidoo kalena ismaamulka Soomaalida Itoobiyana ay ciidamadooda dib ula baxaan oo amar degdeg ah soo saaraan, lagana wada hadlo wax walba oo dhaco.

Dagaaladaan ayaa inta ay socdeen waxaa ku geeriyooday 10 qof iyadoo dhaawaca 15 uu ka bedan yahay, iyadoo khasaaraha uu intaan ka badan karo.

 

Goobjoog News