U bood dhigaalka

Shirkadda Hormuud Oo Maanta 100-Kun Oo Doolar Ku Wareejisay Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed waxa ay ku wareejiyeen 100-kun oo doolar, taasi oo qeyb ka ah u gurmashada Soomaalida ku dhibban dalka Yemen.

Gudoomiyaha gudigaan Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa u mahadceliyay Shirkadda Hormuud oo uu sheegay in ay ka dhabeysay balantii ay qaaday, islamarkaana taasi ay muujineyso sida ay walaalahooda ugu damqaneyso.

Sheekh Nuur ayaa ugu baaqay dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha kale in ay ku deysadaan Hormuud, oo ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee xabaddu ku dul socoto.

Lacagtaan ayaa guddiga waxaa ku wareejisay qeybta samafalka ee shirkadaasi (Hormuud Foundation), iyadoo lacagtaan ay noqoneyso tii ugu horeysay oo nooceeda oo kale ah lagu wareejiyo guddigaan.

Dhinaca kale mas’uuliyiin u hadashay Hormuud waxa ay sheegeen in qarashkaan ay ugu tala galeen in lagu soo badbaadiyo walaalahooda Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan, waxaana lacagta oo Jeeg ah lagu wareejiyay Guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Goobjoog News