U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Ku Tagay Xerooyin Loogu Tala Galay In Lagu Soo Dhaweeyo Dadka Kasoo Cararaya Yemen (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta waxa uu kormeer ku tagay Xerooyin loogu tala galay in lagu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen, kuwaasi oo ku yaalla magaalada Berbera.

Xerooyinka uu tagay Siilaanyo waxaa ku dhisan teendhooyin waaweyn oo hay’adaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay halkaasi ku dhiseen si dadka u degaan.

Silaanyo ayaa mar uu halkaasi hadal kooban ka jeediyay waxa uu sheegay in ka maamul ahaan iyaga oo kaashanaya UNHCR iyo IOM ay dadkaan soo dhaweyn doonaan.

Sidoo kale dadka ayuu sheegay in loo amba bixin doono deegaanada ay kasoo jeedaan ee gobalada dalka.

24-kii bishan May ayey Somaliland sheegtay in dekadaheeda ka xiratay shacabka Soomaaliyeed ee kasoo cararay Yemen, waxaana isla go’aankaasi ay laabteen 30-kii bishan ka dib wada hadal ay la galeen IOM iyo UNHCR.

Siilaanyo6 Siilaanyo5 Siilaanyo4 Siilaanyo3 Siilaanyo2 Siilaanyo1

Goobjoog News