U bood dhigaalka

Cirfo “Dagaaladii Galgaduud Waa Joogsadeen, 51 Qof Ayaana Geeriyootey”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowladda federaalka Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa sheegey in muddo 3 maalmood ah uusan dagaal ka dhicin gobolka Galgaduud, balse dagaalkii dhacay uu galaaftay dad badan, islamarkaasina reebey dhibaato aad u badan.

“ Dagaalka ka biloowdey xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiyo 26 kii bishii May ee aan soo dhaafnay, dagaalkaasi waa uu istaagay, sedexdii maalmood ee ugu dambeysey wax dagaal ah ama dhibaato ah midna meeshaasi kama dhicin, ha yeeshee dagaalka dadka waxa uu ku reebey raad aad u weyn, oo aan la maleyn karin, oo dadka aan ka warqabin haddii loo sheego aysan qaadan karin” ayuu yiri

Waxa uu intaasi ku daray guddoomiyaha “Tirada dhimashada waa 51 qof, 40 ka mid ah ay rag yihiin, 11 ay yihiin hablo, iyo 18 tuulo oo la gubey, 200 aqal Soomaali oo la gubey, waxaa jira wiil yar oo afar jir ah oo la goowracay, oo sawirkiisa laga heli karo internet-ka, oo ay mindidii lagu goowracay ag taalo, nin oday ah oo 95 jir ah inta aqal lagala soo baxay la diley”.

Cirfo ayaa sidoo kale sheegey in tirada ay intan ka badantahay, maadaamaa lasoo helayo meydad cusub, kuwa kalana wali la layahay.

Waxaa jira wadahadalo uu Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid hormuud ka yahay oo dhexmaray maamulka dowlad deegaanka Itoobiya iyo dadkii Soomaaliyeed ee dagaalamay, waxana shir uu ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, halka shirka kalana lagu balansanyahay magaalada Jigjiga.

Goobjoog News