U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Ka Leh Arrinta Baarlamaanka Jubbaland Iyo Arimo Kale

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan waxa ay ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo arimo xasaasi ah looga hadli doono.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in baarlamaanka ay uga hadlaan mooshinka ka yaalla baarlamaanka Jubbaland, hadii cod la gelinayo isla maanta ama hadii kale.

Sidoo kale ajendayaasha maanta ee baarlamaanka waxaa ka mid ah akhrinta koowaad ee sharciyeynta shaqaalaha shisheeye iyo saxaafadda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News