U bood dhigaalka

Caabudwaaq: Barakacayaal Soo Wajahday Xaalad Aadag Oo Dhanka Nolosha Ah

Sheeko:Dalka

Boqolaal Qoys oo ku nool degmada Caabduwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka nolosha.

Qoysaskaan ayaa waxyaabaha ugu daran ee xilligaan u baahan yihiin waxa ay tahay raashiin, biyo iyo caafimaad.

Khaliif Cabdisamad Cali oo ah madaxa arimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq ayaa u sheegay Goobjoog News in degmadaasi ay ku yaallaan 7-kaam oo barakacayaal ku nool yihiin, kaamkiina ay ku sugan yihiin ugu yaraan 300 oo qoys.

“Dadka hadda waxyaabaha ay u baahan yihiin waxaa ka mid ah raashiin, caafimaadkii oo daawo la’aan ayaa haysa, biyo, iyo in caruurtooda ay helaan waxbarasho” ayuu yiri Khaliif Cabdisamad.

Ugu dambeyn madaxa arimaha bulshada degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha samafalka ah iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed in dadkaasi ay gurmad lasoo gaaraan.

Goobjoog News