U bood dhigaalka

Guntanka Baarlamaanka oo Buuxsami Waayay Iyo Kulankii oo Baaqday

Sheeko:Baarlamaanka

Markale waxaa qabsoomi waayay kulankii baarlamaanka oo la filayay in cod loogu qaado baarlamaanka Jubbaland, sababtuna waxa ay ahayd in ay suurogali weysey guntanka ama kooramka baarlamaanka oo ah tirada uu ku qabsoomi karo kulanka.

Maanta waxaa guntanka ka dhimanaaday 8 xildhibaan oo kaliya iyada oo la rabay in ay baarlamaanka joogto 139 xildhibaan.

Xildhibaanada gadaal ka riixaya mooshinka ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari ku eedeynaya in uu tababaro u kala direy xildhibaano badan oo ka tirsan guddiyada baarlamaanka, iyada oo illaa 3 guddi tababar ku maqanyihiin.

Jawaari oo sidoo kale ay eedeynayaan xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka in uu dabada ka riixayo mooshinka, ayaanan wali shir guddoomin dhamaan kulamadii fashilmay.

Shirkii maanta ma uusan soo xaadirin Jawaari sababtuna waxa ay ahayd maadaamaa uu yahay ku simaha madaxweynaha dalka maadaamaa uu dalka ka maqanyahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa markii 4aad oo uu baaqdo kulanka baarlamaanka, sababtan oo kale, tanina waxa ay curyaamisey shaqooyinkii kale ee uu baarlamaanka qaban lahaa sida ka doodista iyo meelmarinta hindise sharciyeedyada horyaala baarlamaanka.

Mooshinkani ayaa waxaa gudbiyey 41 xildhibaan oo sheegey in baarlamaanka Jubbaland uu yahay mid caddaalad daro wax lagu qeybiyey, islamarkaasina beelo badan ay ku qadeen.

Hase yeeshee madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegey in haddii baarlamaanka uu kalsoonida kala noqdo in ay joojin doonaan dhamaan wadashaqeynta iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Goobjoog News